Tukiga oo gooni gooni ula shiray Soomaaliya iyo Itoobiya, wareegga 3aad ee wada-hadallada

Published: September 27, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Khamiistii si gaar gaar ah ula kulmay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya labada dhinac ee ku saabsan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland ee ay kaga kiraysanayso dhul xeebeed.

Turkiga ayaa ilaa hadda martigeliyay laba wareeg oo shirar ah oo u dhexeeya dalalka deriska ah ee Bariga Afrika si ay u hagaajiyaan xiriirkooda. Wareegii seddexaad ee wadahadalka ayaa hadda ka dhacay caasimadda Ankara.

Xidhiidhka ayaa cirka isku shareeray bishii January markii Itoobiya ogolaatay inay 20 km (12 mayl) oo xeeb ah ka kiraysato gobolka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland, si ay u aqoonsato madaxbannaanideeda.

Muqdisho ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid sharci darro ah, waxayna kaga aargoosatay in ay erido safiirkii Itoobiya, waxayna ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto kumannaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka oo gacan ka siinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada,

Wasiir Hakan Fidan ayaa ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadayo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna intaas ku daray in uu ku rajo weyn yahay in xal loo helo khilaafka.

Horseed Media