Ciidamada Qalabka Sida oo Hawlgalo lagu laayey Khawaarijta ka fuliyay Gobalka Galgaduud

Published: October 5, 2024
ciidanka dowladda wabxo

Ilaa 47 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey inay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka, iyo geesiyaasha dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna .

Horseed Media