Madaxweyne Deni oo safar degdeg ah ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta

Published: October 6, 2024
Siciid Deni Safar

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo todobaadkii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa maanta safar kaga ambabaxay dalka Imaaraadka.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland safarka madaxweynaha oo degdeg ahaa ayaa lagu wargeliyey saacado kooban kahor socdaalkiisa dalka Imaaraadka.

Madaxweyne Deni wali xog faahfaahsan lagama helin socdaalkiisa.

Horseed Media