Raysal Wasaare Xamse oo xariga ka jaray seddex waddo oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho

11 October, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka Garasbaaley, Waaberi iyo Xamar Jajab, Kaaraan iyo Cabdicasiis, isaga oo dhagax-dhigay waddada isku xirta dabka illaa isgoyska Bakaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka caasimaddu ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha, waxa uuna xusay in Muqdisho hadda ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada.

Waxa uu intaas ku daray in dib-u-dhiska waddooyinku ay ka jawaabayaan canshuurtii laga qaaday dadka Soomaaliyeed in ay ku dhacday gacan aamin oo dib ugu soo celinaysa bulshada, iyada oo loogu beddelayo horumarka iyo amniga ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir horumarka iyo dib-u-dhiska ballaaran ee ay ka wadaan Muqdisho, si ay caasimaddu ula tartanto caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka.

Horseed Media