Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Israa’iil oo taageero ka helaysa reer galbeedka ay dilayso dad aan waxba galabsan

Published: October 11, 2024

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa Jimcihii sheegay in Israa’iil ay joojiso dilalka ay ku hayso dadka aan waxba galabsanin, isla markaana falalka ay ka waddo bariga dhexe ay taageerayaan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Pezeshkian ayaa hadalkan u sheegay wariye ka tirsan TV-ga dowladda Ruushka, xilli uu ka qeyb galayay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Turkmenistan.

Israa’iil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn u kordhisay weerarada ay ku hayso dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee ay Iran taageerto ee Lubnaan, waxaana ka mid ah dadka ay dishay hoggaamiyeyaasheeda sare, ciidamo dhulka ah ayey u dirtay koonfurta Lubnaan iyo duqaymo ay ka geysatay caasimadda Beirut.

Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay galinkii dambe ee Khamiista bartamaha Beirut ayaa waxaa ku dhintay 22 qof in ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen, mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay.

Israa’iil ayaa sheegtay in howlgallada ka socda Lubnaan ay uga golleeyihiin in tobanaan kun oo ka mid ah dadkii degganaa ay dib ugu laabtaan dalkooda kaddib markii lagu qasbay in ay ka baxaan waqooyiga Israa’iil sababo la xiriira gantaallada Hezbollah ee soo riday sannadkii hore.

Hezbollah ayaa rasaas ku ridaya Israa’iil si ay u taageerto xulafadeeda Xamaas, taasoo keentay in Israa’iil ay weerar dhulka ah ku qaado Gaza ka dib markii 7-dii Oktoobar weerar lagu qaaday bulshooyin ku nool koonfurta Israa’iil.

Horseed Media