Raysalwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka oo lumiyey kursigiisi Xildhibaanimo

Published: October 12, 2024

Raysalwasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa lumiyey kursigiisi xildhibaanimo ee Aqalka sare sida uu ku dhawaaqey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal uu soo saarey Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayuu ku sheegay in Xildhibaan Saalax ee ku fadhiya kursiga lanbarkiisu yahay #50 uu dhumiyey xasaanaddii Xildhibaanimo kadib markii uu soo xaadiri waayey afar kalfadhi oo isku xiga isaga oo Muqdisho ku sugan.

Xildhibaanka ayaa xasaanadda ku waayi kara haddii uu ka baaqdo afar kalfadhi oo isku xiga, waxaana u noqonayaa qofkii ugu horeeyey ee sharcigan lala tiigsado, horey waxaa u dhacdey Senator aan marna soo xaadirin fadhiyadii baarlamaanka laakiin kuma waayin xasaanadda.

HORSEED MEDIA