Taliyaha Ciidanka Booliska oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Published: October 12, 2024

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa hambalyo ku aadan xuska maalinta la sameeyey calanka Soomaaliyeed u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan dal iyo dibad (12 October).

Asalaamu Caleykum Wa Raxmatullaah Wabarakaatuhu,

Munaasabadda Maalinta qiimaha badan ee Calanka Soomaaliyeed awgeed, waxaan dhambaal hambalyo ah  la qaybsanayaa dhammaan muwaaddiniimta Soomaaliyeed ee sharafta badan, aniga oo Alle naxariisa u weydiinaya dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 70 sanno ka hor, markii la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.

Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca ciidda iyo calankooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya cadowga gudaha iyo kan dibadda ee duullaanka ku ah jiritaankeenna.

Maalintan weyn awgeed, waxaan idiin rajeynayaa dadkeygoow nabad, xornimo iyo midnimo dhammaantiin.

Horseed Media