Israa’iil ayaa sheegtay inay Qaza ku dishay madaxii Xamaas Yahya Sinwar

Published: October 18, 2024

Xamaas ayaan wali xaqiijin geerida hogaamiyahooda

Israa’iiliyinta ayaa xaqiijiyay Khamiistii in hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar lagu dilay Gaza, kaddib markii ay israsaaseyn dhexmartay isaga yo ciidammada Israa’iil ee ku sugan Rafah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo khudbad muuqaal ah jeediyay ayaa sheegay in dilka hoggaamiyaha Xamaas uusan ahayn dhammaadka dagaalka Israa’iil ee Gaza, wuxuuna sheegay in ciidamadooda ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga soo celinayo maxaabiista ka maqan.

Sinwar waxa uu ahaa ninka loogu doonista badan yahay Israa’iil, waxaana si weyn loo rumeysan yahay in uu ahaa diyaariyihii weerarkii 7-dii October 2023 ka dhacay koonfurta Israa’iil.

Sinwar ayaa la wareegay hogaanka sare ee kooxda Falastiin , ka dib dilkii Tehran loogu gaystay hogaamiyihii Xamas Ismail Haniyeh 31kii July 2024.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in howlgalladii ay ka fuliyeen Gaza maalintii Arbacadii, “lagu ciribtiray saddex askeri oo ka tirsan Xamas”, iyaga oo intaa ku daray in militariga iyo adeegga amniga ee Shin Bet ay “ hubinayaan suurtagalnimada in mid ka mid ah raga ay dileen uu yahay Yaxya Sinwar”.

Howlgalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafah ee koonfurta Gaza.

Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in dhacdadii Arbacadii ee lagu diley Yaxya Sinwar ay ahayd mid si kedis ah u dhacday oo aan ku salaysnayn wax sirdoon ah.

Qaabka ay Israel sheegtay in ay u dileen Yaxya Sinwar ayaa ka soo horjeeda sheegashadii hore ee Israa’iil ee ahayd in Sinwar uu ku dhuumaalaysanayo nidaamka tunnel-ka ee Xamaas ee dhulka hoostiisa iyo in Sinwar uu ku dhex dhuumanayo maxaabiis Israa’iili ah.

Sinwar, oo 62 jir ah, ayaa ka soo jeeda koonfurta Gaza ee xerada qaxootiga Khan Younis. Waa aasaasihii hay’adaha ammaanka gudaha ee Xamaas, waxaana Israa’iil ay ku xukuntay 23 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay dilka Falastiiniyiinta looga shakisan yahay inay la shaqeeyaan ciidamada Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay bishii August in ay dishay madaxii garabka militariga ee Xamaas, Mohammed Deif, taas oo Xamaas ay beenisay .

HORSEED MEDIA