Soomaaliya oo dalkeeda ka cayrisey diblomaasi Itoobiyaan ah

Published: October 29, 2024

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “persona non grata” loo isticmaaley la-talaiyaha labaan ee safaaradda Itoobiya ee Muqdisho kaas oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadam. Waxaa loo qabtey muddo 72 saac ah in uu dalka uga baxo. Wasaaradda ayaa ku eedeysey in uu faraha kula jirey arrimo ka baxsan diblomaasiyadda isla markaana wax u dhimaya qaranimada iyo madaxbanaanida dalka.

Warka ka soo baxay Wasaaradda hoos ka akjri

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo adag si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed.

Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.

Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan. Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.

DHAMAAD