Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku heshiiyey in doorashooyin dadweyne la qabto 2025

Published: October 30, 2024
by: Ali. Y

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo magaalada Muqdisho ka socday 02-30 October 2024 ayna kasoo qaybgalayeen madaxda dowlad goboleedyada dalka, Raysal Wasaaraha, Raysal Wasaare kuxigeenka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray warmurtiyeed.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka oo ka kooban ilaa shan qodob ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo dadweynuhu codkooda ku doortaan madaxdooda.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu go’aamiyey xiliga la qabanayo doorashooyinkaasi qof iyo cod, doorashada dowladaha hoose ayaa la qorsheeyey in ay dhacdo Juun 2025, halka tan baarlamaanka iyo madaxweynaha dhacayso September 2025.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa qayb ka ahayn heshiiska kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la horgeyn doono baarlamaanka labada aqal ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media