Waxaa nasiib darro ah in Muqdisho laga soo saarey go’aanno aan loo dhammeyn oo Jubbaland aysan kamid ahayn, arrintaas oo sababi karta kala qeybsanaan bulsho iyo firaaq dastuuri ah oo ku yimaada Hay’adaha dastuuriga ee DXDFS.
War-Saxaafadeed
Ujeedo: Caddeynta Mowqifka Dowlada Jubbaland ee arrimaha Doorashooyinka.
Horudhac
Sida lala wada socdo Shirkii GWQ ee May 2023 oo ay Dowladda Jubbaland kaga qeybgashey magaalada Muqdisho oo ay madaxda DFS iyo DXDFS ku gaareen heshiis loogu gogol xaarayo hiigsiga doorasho qof iyo cod ah looga qaban lahaa dalka qodobadaas oo kala ah:-
- xoreynta iyo horumarinta amnigaa dalka
- mideynta doorashooyinka dalka oo ay ugu horeyso qabashada goleyaasha deegaaanka degmooyinka oo ku qorsheysneyd in la qabto Juun 2024, halka doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada DXDFS lagu qabto November 2024.
Dhamaan qodobad heshiiskaas oo muhiim u ahaaa qabashada doorasho qof iyo. cod ah ayaysan waxba ka qabsoomin.
Shirkii xigey ee May 2024 ee GWQ waxaa lagu heshiiyey in wajiga 2aad ee dagaalka xoreynta dalka la dar dar galiyo lagana bilaabo dhammaan dowladdaha xubnaha ka ah DFS taas oo iyadana sidii loogu talagaley aanay u hirgelin.
Dowlada Jubbaland ayadaa oo ka duuleysaa go’aaanada lagu gaarey shirkaas waxay bilowdey wajiga 2aad ee howlgalka xoreynt dalka waxayna ku guuleysatey in deegaano badan cadowga laga xoreeyo, si ciidamada Jubaland ay u sii wadaan howlgalada waxaan weydiisanay DFS Ciidamo katirsan CXDS oo haya goobaha ay xoreeyeen Ciidamada Jubaland iyadoo Jubaland ay bixisay dhaqaalaha ku baxay soo daadgureynta Ciidamada iyo agabkii ay ku howlgali lahayeen, balse nasiib daro Ciidamada ay DFS ah usoo dirtay Jubaland waxay noqdeen kuwo aaan diyaar u ahayn inay ka qeyb qaatan xoreynta dalka iyo gudashada waajibaadkooda Ciidanimo waxaana halkaas ku fashilmay wajigiii labaad ee howlgalka iyadoo Ciidamada Jubaland ay dib u buuxiyeen goobaha ay kasoo bexeen Ciidamada CXDS.
In kastoo ay u cadaatay Dawladda Jubaland in aana laga dhabayn xaqiijinta qodabadii muhiimka u ahaa qabashada doorashooyin midaysan oo dalka ka qabsooma, hadana waxay go,aansatay in ay ka qayb gasho kulanka GWQ si ay dooda ay qabto u horgayso kulanka, iyadoo filaysay in laga garaabo loogana doodo si ay ku jirto ilaalinta midnimada iyo wadar ogolka uu ku dhisnaa GWQ, Dawladda Jubaland waxaa u cadaatay in madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya aysan ka garaabin doodii Jubaland ayna go,aansadeen in dalka loo horseedo firaaq dastuuri ah oo ku yimaada Hay’adaha dastuuriga ee DXDFS.
Qodobada lagu kala aragti duwanaaadey ee Shirkii October 2024 kuwaas oo kala ahaa:- – In DFS soo jeedisey in muddo kororsi hor leh la qaato ayada oo halkii sano ee hore aan waxba lagaga fulin waxyaabihii lagu heshiiyay kulankii sanadkii hore, taas oo horseedi karta firaaq dastuuri ah iyo kudarsasho aan waqti cayiman laheyn.
- In DFS hor istaagtay qabashada doorashooyinka DXDFS, taas oo horseedi karta in dalka uu galo xaalad hubanti la,aan ah
- In DFS ay diidey soo jeedintii Jubbaland ee ahayd in la raadiyo saamileyda maqan sida PUNTLAND IYO SSC si loo gaaro talo loo dhanyahay.
Isafgaranwaagaas kadib Dowladda Jubaland ayaa ka baxday shirka islamarkaana wakhti siisey madaxda shirka ku hadhay in mawqifkooda uu wax iska badalo ayna garowsadaan in danta dalku ku jirto in go’aannada masiiriga ah lagu gaaro wadar ogol.
Haseyeeshee waxaa nasiib darro ah inay maanta ay soo saareen go’aanno aan loo dhammeyn oo Jubbaland aysan kamid ahayn, arrintaas oo sababi karta kala qeybsanaan bulsho iyo firaaq dastuuri ah oo ku yimaada Hay’adaha dastuuriga ee DXDFS.
Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay go’aansatay qodobada soo socda.
1- Maadaama qododobka 142aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS uu qeexayo in dhammaan DXDFS ku dhaqmayaan Dastuurkooda ilaa la iska waafajinayo kan DFS iyo DXDFS, iyo sidoo kale Qodobka 120aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS uu qeexaya in dhismaha laamaha sharcdejinta iyo fulinta ee Dawladaha xubinta ka ah DFS ay yihiin arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada Dowladdaha xubnha ka ah DFS. Dowlada Jubbaland waxay xaq u leedahay iyada oo ilaalineysa in firaaq dastuuri ah uusan dhicin in Doorashada heerarka kala duwan ay ku dhacaan waqtigooda aysana dhicin mudo kordhin kale.
2- Sida ku cad qodobka 80aad ee dastuurka Jubbaland Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorahooyinka Jubbaland ayaa xaq u leh qabashada
doorashooyinka golayaasha deegaaanka, Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.
3- Jubaland waxay markasta diyaaar u tahay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka ayada oo loo marayo sifo sharci ah iyo talo loo dhanyahay si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummada soomaaliyeed.
Baaq:
Dowladda Jubaland waxay ugu baaaqeysaa Baarlamaanka DFS, DXDFS, Siyaasiyiinta, Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in geedi socodka dhismaha qaranimada Soomaaliya la wada ilaaliyo laguna dhaqmo Dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala.
..DHAMMAAD….