Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weheliya Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns.
Kulanka heerkiisu sareeyo ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.
Labada dhinac ayaa isla falanqeeyay qodobo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, xasilinta gobolka, iyo la-tacaalidda caqabadaha dhinaca ammaanka ee Geeska Afrika.
Waxa ay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida, iyagoo mar kale caddeeyay sida ay ugu go’an tahay in la hormariyo amniga gobolka.