Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa ka hadley kadib codeyn buuq dhalisey oo maanta ka dhacdey Baarlamaanka Jamhuuriyadda…
Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa ka hadley kadib codeyn buuq dhalisey oo maanta ka dhacdey Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah Soomaaliya.
Xildhibaan Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in markii khudbaddu madaxweynuhu jeedinaayey Jaamacadaha ee Galbeedka Muqdisho dagaal ka socdey oo dad shacab ah dhiigoodu khulkhulaayey taasna ay tahay nasiib darro.
Jeesow ayaa sharci darro ku tilmaamey nidaamka uu marey guddoomiye Aadan Madoobe oo afduubtey baarlamaanka kadib markii uu diidey in laga dodo soo jeedinta Madaxweynaha taasna maaha sharci ee waxy ahayd in laga doodo ayuu yiri.
Wasiiro Xildhibaano ah oo oo 70 gaaraya oo niiic la soosiiyey ayaa u codeeyey ayuu yiri kuwaa, maantana waxaa baarlamaanka u bilowdey kala qaybsanaan uu bilaabey Aadan Madoobe.
Horseed Media