Xildhibaanada deegaan-doorashadoodu tahay Jubaland ayaa saxaafadda kula hadley banaanka hoolka baarlamaanka waxaana ay sheegeen in ay aqbaleen casumaada Madaxweynaha Dowladda Jubalsnd Axmed Madoobe ee wadatashiga h ee uu isugu yeeray.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan yare) ayaa sheegay in xildhibaanada Jubaland laga soo doorto tiradooda guud ay tahay 51 Xildhibaan, waxaa noo qorsheysan ayuu yiri xildhibaano ka badan 40 in aan Kismaayo ku tagno, kana qaybgalno shirka wadatashiga ah, mar la weydiiyey in safarkooda laga hor istaagi doono ayuu sheegay inaysan taas fileyn laakiin la ogaan doono.
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa wada-tashi isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee laga soo doorto Jubbaland, maalintii shalay, kadib markii Jubaland ay caddeysey mowqifkeeda go’aanadii an loo dameyn ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.
Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed maadaama uu ka soo jeedo Jubaland, haddana ay muuqato in dagaal siyaasadeed uu uga furan yahay deegaankiisi, isaga oo aan horey taageero uga haysan inta badan maamulada dalka ka jira.
HORSEED MEDIA