Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:-
- Shirka ayaa looga hadley:
- Amniga,
- Ansixinta Miisaaniyadda 2025,
- Fariisiinta xidhibaanada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kala ah Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangoroyo.
- Ansixinta wax-ka-bedelka Xeerka Xabsiyada Puntland
Dood dheer kadi golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Xabsiyada Puntland oo ay golaha la wadaagtay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.
Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025, taasi oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol lixdan yo lix milyan sided boqol iyo afartan kun todoba boqol lixdan iyo labo) waxaa ay Miisaaniyadu korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirka.
Warbaahintu ma aysan arag ilaha dakhliga ee sababay in ay kororto 18%, iyada oo laga cabaanaayo in aan la bixin mushaharaadka shaqaalaha rayidka iyo weliba ciidamada qalabka sida sidoo kale dalka aysan ka socon mashaariic waaweyn.
HORSEED MEDIA