Sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo lagu dilay 19 dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay hay’adda nabadsugidda qaranka ee NISA.
Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Yaaqle oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Balcad, waxaana la sheegay in goobta ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab.
Hay’adda NISA ayaa howlgalka ka dib waxa ay ka warbixisay dab xoogan oo halkaasi ka kacay, waxaana la sheegay in laga yaabo in howlgalkaasi lagu haleelay walxaha qarxa oo goobta lagu diyaarinaayey.
Waa howlgalkii 2-aad ee laga soo sheego deegaanka Yaaqle muddo shan maalmood gudahood ah. Howlgalkii kan ka horeeyay ee Axadii, ayaa waxaa lagu dilay 27 maleeshiyo sida ay sheegtay NISA.
War saxaafadeedka NISA ayaa lagu yiri : “…Ciidamada Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsadaan cadawga argagixisada ah ee ku hawlan dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed….”