Waxaa saacado kadib Shacabka Somaliland u dareeri doonaan goobaha codbixinta ee doorashada Madaxweynaha Somaliland iyo ururada siyaasadeed. Waa markii afaraad ee shacabka Somaliland ay Madaxweyne ku doortaan codkooda. Sidoo kale waa markii saddexaad ee shacabku u codeeyaan ururada siyaasadeed si loo helo saddex xisbi oo dalku yeesho sida uu qabo dastuurka Somaliland.
Qiyaastii dad ka badan hal milyan oo qof ayaa qaatey kaararka codbixinta, sida laga soo xigtey Komishanka doorashooyinka. Sida laga bartey doorashadii hore 2017 oo ka qaybqaatayaashu ay gaarayeen 80%, waxaa la qiyaasayaa in ka qaybqaatayaashu aysan ka badan doonin 80%. Codadka ugu badan ayaa yaala gobolka Hargeysa ee Maroodijeex.
Natiijada doorashada ayaa la ogaan doonaa isla habeenimada Arbacada haddii aysan dhicin cilado kale.
Madaxweynaha waxaa ku tartamaya musharixiinta saddexda xisbi qaran ee hadda jira kuwaas oo kala ah:
- Muuse Biixi Cabdi Xisbiga Kulmiye
- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Xisbiga Waddani
- Faysal Cali Waraabe (Xisbiga UCID)
Doorashada Somaliland horey ayaa laga gartaa cidda guushu raaci karto, waxaana lagu kala baxaa doorashada ka hor, waxay ku xiran tahay isbahaysiga ay beeluhu samaysteen kuwaas oo danahooda ka heshiiya.
Doorashadan waxaa si weyn loo saadaalinayaa Musharaxa Xisbiga Waddani in uu si fudud ku guuleysto waa Cabdiraxmaan Cirro, waa diblomaasi dowladdii Soomaaliya u fadhin jirey Moosko, waxa uu muddo ku noolaa Finland ka hor inta isaga iyo Faysal Cali Waraabe aysan dhisin xisbiga UCID sanadkii 2001.
Dhanka ururada siyaasadda waxaa ku tartamaya todoba urur siyaasadeed iyo saddexda Xisbi ee hadda jira. Xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira:
- Waddani
- Kulmiye
- UCID
Magacyada ururada cusub ee doonaya in ay noqdaan Xisbiyo siyaasadeed ayaa kala ah:
- Barwaao
- Talowadaag
- Rajo
- Shacabka
- Kaah
- Hillaac
- Horseed
Waxaa si weyn la isu weydiinayaa Xisbiga saddexaad noqon doona maadaama saadaashu shegayso in Kulmiye iyo Waddani ay soo laaban doonaan. Waxaa la aaminsan yahay in xisbiga UCID uu meesha ka bixi doono markii u horreysey oo taariikhdiisaba la soo afjari doono.
Labada Xisbi ee sida weyn loo saadaalinaayo in ay kaalinta saddexaad ku soo baxaan ayaa kala ah Urur siyaasadeedka KAAH oo saldhigiisa ugu weyn ay tahay magaalada Burco iyo Urur siyaasadeedka Barwaaqo oo saldhigiisa ugu weyn uu yahay magaalada Boorame , waxaana ay ku xiran tahay midka codka badan hela labadooda.
Laascaanood ayaa sannadkan harsaneysa calanka qaranka Soomaaliya iyo kan maamulka SSC-Khaatumo, doorashada Somaliland laga dareemi maayo iyada oo horey ay uga dheceen doorashooyinkii 2010, 2012 iyo 2017.
Goobjoogayaal caalami ah oo boqolaal gaaraya ayaa Hargeysa ka degay maalmihii u danbeeyey kuwaas oo ka kala socda dalal kala duwan iyo hay’ado calami ah.
Doorashooyinkii hore ee Somaliland ayaa ku dhici jirey si nabad ah, waxaana cabsi weyn laga qabaa in doorashadan ay saameyn ku yeelato dagaaladii lagu riiqdey ee ka dhacay Sool iyo Cayn iyo weliba Sanaag, taas oo sababtey in hub badan uu gacanta u galo beelaha Somaliland sidoo kale waxaa jira baaskoolado badan oo maamulka Muuse Biixi siiyey dhalinyaro u badan taageerayashiisa taas oo lagu galay lolaha doorashada, waxay keeni kartaa rabshado ay dhigaan taageerayaasha Muuse Biixi haddii doorashada looga adkaado. Sidoo kale doorashadan waxaa saameyn weyn ku leh Internetka iyo baraha bulshada, iyada oo olaha doorashada laga dareemaayey xumadda qabiilka iyo sida dhalinyaradu u kala qaybsan tahay.
Madaxweynihii u danbeeyey ee doorasho mar labaad gala waxa uu ahaa Daahir Rayaale waxaana ka guulesytey Axmed Siilaanyo sanadkii 2010, marna ma dhicin Somaliland in Madaxweyne dib codka shacabka loogu doorto, laakiin waxaa markasta dhici jirtey in muddo laba sanno ah ay dhaafi jireen muddo xileedkii shacabku doortey. Doorashadan ayey ahayd in ay dhacaan 2022, Golaha Guurtida Somaliland ayaa Muuse Biixi muddo laba sanno ah xilka u kordhiyey sanadkii 2022.
HORSEED MEDIA