Madaxweynaha Puntland oo balanqaaday inuu soo afjari doono argagixisada ku jirta buuraha

19 November, 2024

Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray mashaariic cusub, dagaalna ku dhawaaqay.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa gobolka Karkaar ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Qardho, isagoo gaaray degmada Waaciye, halkaas oo uu xariga kaga jaray mashaariic cusub, kuwa kalena ku dhagaxdhigay.

Madaxweyne Deni ayaa xariga ka jaray warshad biyaha sifaysa oo laga hirgeliyey degmada Waaciye, sidoo kalena dhagaxdhigay dhismaha xarunta Agoomaha, isagoo kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee degmada Waaciye oo halkii mar ay wax ka baran karaan 240 Arday.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa kulan la qaatay bulshada degmada Waaciye, wuxuuna kala hadlay sidii loo taageeri lahaa qorshaha cusub ee dowladda ee la dagaalanka argagixisada ku jirta buuraleyda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa wacad ku maray inuu soo afjari doono kooxaha argagixsada ee ku dhuumaalaysanaya gudaha Puntland gaar ahaan buuralayda silsilada Golis, xili dhowna uu bilaaban doono duulaankaasi.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari, wuxuuna ka dhagaxdhigay ceel cusub oo laga qodayo degmada.

Horseed Media