Maamulka Ukraine ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah, November 25, in ciidamada Ruushka ay weerareen kaabayaasha tamarta ee gobolka Mykolaiv ee koonfurta Ukraine iyo xarumaha warshadaha ee gobolka Zaporozhye ee koonfur bari ee dalka xilli habeen ah.
Barasaabka Mykolaiv, Vitaly Kim, ayaa ku xaqiijiyay barnaamijka Telegram-ka in injineerada ay korontada u soo celiyeen inta badan macaamiishii soo wajahday koronto la’aan.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in difaaca cirka ay soo rideen labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Ruushka laga leeyahay oo dul heehaabayay goobta.
Magaalada Zaporozhye, Ruushku wuxuu bilaabay “daraasiin diyaaradeed”, oo dhaawacay ilmo iyo waxyeelo u geystay dhowr xarumood oo warshado ah iyo dhismo la dego.
Difaacyada cirka ee Ukraine ayaa xalay saqdii dhexe iska caabiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo weerar ku qaaday caasimadda Ukraine iyo nawaaxigeeda, maamulka gobolka iyo kan deegaanka ma aysan shaacin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu sii wadi doono tijaabinta hababka cusub ee hubka, xilli uu kulan la qaatay hoggaanka Wasaaradda Difaaca iyo wakiillada warshadaha militariga.
Putin waxa uu sheegay in ku dhawaaqida Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ee ah inay ogolaadaan adeegsiga hababka gantaalaha riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo dhulka Ruushka ay ka dhigtay iskahorimaadka gobolka ee Ukraine inuu yeesho dabeecad caalami ah, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Moscow ay xaq u leedahay inay weerarto dalalka oggolaaday. in ay hubkooda ku garaacaan dhulka dalkiisa, isagoo xusay in reer galbeedku ay sii kordhinayaan colaadda ay ka huriyeen Ukraine.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in difaaceeda cirka ay soo rideen labo gantaal oo ah nooca loo yaqaan Storm Shadow cruise missiles oo lagu farsameeyay dalka Britain, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaraddu oo ku saabsan howlgallada ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay ka wadaan dalka Ukraine.
Horseed Media