Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa si adag uga hadlay ciidamada Gorgor ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay inay dowladdu Federaalku maalmahan ka wadey deegaanada Jubaland howlo lagu carqaladeynayo amniga oo ciidamo sharci darro ah ka dejisay magaalada Raaskambooni, halkaas oo ay hadda isku horfadhiyaan ciidamada Jubaland.
Dhanka kale, Jubaland waxay cadaysay in dhamaan deegaanada ay ciidamada ATMIS ka baxeen sida Bixin Gaabo, Kudhaa, Cabdalla Biroole, Ceel-waaq iyo qaybo kamid ah Kismaayo ay gacanta ku hayaan ciidamada Jubaland.
Sidoo kale, waxay sheegtay Jubaland inaysan jirin wax codsi ah oo ay u dirtay dowladda Federaalka oo ku saabsan in ciidamo dheeraad ah la keeno Jubaland.
Horseed Media