Afar askari oo ka mid ah ilaalada gaarka ah iyo laba bilays ah ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay banaanbaxyada.
Mohsin Naqvi, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka, ayaa ku booriyay taageerayaasha mucaaradka in ay mudaaharaadkooda u wareejiyaan dhanka magaalada Sangjani ee duleedka caasimadda.
Kumanaan kamid ah taageerayaasha Imran Khan oo doonaya in la sii daayo ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan ayaa socod ku tagay caasimadda Islamabad iyagoo jiiray jidgooyooyinka booliiska iyo sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u maraan wadooyinka magaalada caasimadda ah oo xirnaa tan iyo sabtidii.
Ugu yaraan afar askari oo ka mid ah ilaalada gaarka ah iyo laba bilays ah ayaa lagu dilay tobanaan kalena waa lagu dhaawacay isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan xisbiga Khan ee Tehreek-e-Insaf (PTI) tan iyo Isniintii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Imran Khan ayaa xabsiga ku jiray in ka badan hal sano, waxaana uu wajahayaa in ka badan 150 kiis oo dambiyo ah. Xisbigiisa PTI-da ayaa ku tilmaamay kiisaska kuwo salka ku haya arrimo siyaasad.
Dawladdu waxay cuskatay qodobka 245, kaas oo dalbanaya in ciidanka la caawiyo haddii xaaladdu xumaato. Booliska ayaa xiray in ka badan 4-kun oo mudaaharaadayaal ah.
Horseed Media