Jubaland Oo ku baaqdey madal wada-tashi oo ay ka soo qaybgalaan daneeyayaasha siyaasadda

28 November, 2024

Shirweyaha Jubaland ku baaqdey ayaa looga tashanayaa aayaha dalka waxaana lagu casumey dhamaan daneeyaasha siyaasadda SOomaaliya.

Xiisadan oo cirka isku sii shareertay, ayaa waxaa si rasmi ah u go’ay xiriirkii ka dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland , iyadoo Jubaland ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo abaabulay afgambi, isla markaana uu ku wiiqayo maamul goboleed sharci ah oo jira.

Khilaafkan oo bilihii lasoo dhaafay soo jiitamayay ayaa todobaadkaan gaaray heerkii ugu xumaa kadib markii maxkamada gobolka Banaadir ay amartay in lasoo xiro Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, iyadoo dowlada Federaalka ay ciidamo geysay Raaskaamboni.

Qoraal rasmi ah oo soo baxay maanta oo Khamiis ah, Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa eedeymo ballaaran u jeediyay dowladda Federaalka, iyagoo ku andacoonaya in ay ku xad-gudbeen xuquuqaha dastuuriga ah ee dowladaha xubnaha ka ah, ayna isku dayeyso in ay khalkhal ku abuurto xasilloonida gobolka.

Qodobada Muhiimka ee qoraalka Jubaland:

Khilaaf Dastuuri ah: Jubaland ayaa ku andacoonaysa in dowladda federaalka ay isku dayeyso in ay baabi’iso hay’adaha dastuuriga ah ee dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ku tilmaantay ficilladaas mid “afgambi cad ah”.
Walaaca Garsoorka: Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hay’adaha Garsoorka loo bedelay “Maxkamadaha Badbaadada Kacaanka” oo si toos ah amar uga qaata Madaxweynaha.

Jawaabta Jubaland

Dowladda Jubaland waxay qaaday dhowr tilaabo oo muhiim ah:

  • Waxay si buuxda u jartey xiriirka iyo wada shaqaynta kala dhaxaysa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
  • Diidmada dhammaan wax-ka-beddelka dastuurka iyo sharciga doorashada
  • Qorshaynta in la qabto madal wada-tashi oo ay ka soo qaybgalaan daneeyayaasha siyaasadda si looga tashado aayaha dowlad dhisidda.

Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu galay xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin.

  • Ku xadgudubka dastuurka
  • Awood ku-takrifal
  • Burburinta iyo kala qaybinta Ciidanka Qaranka
  • In colaadaha qabiilka lagu huriyo ciidamada dhexdooda

Dowladda Jubaland ayaa si istiraatiji ah baaq ugu dirtay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, iyadoo xasuusisay dowladnimada jilicsan ee dalka, waxayna codsatay in la sii wado taageerada iyo talada inta lagu jiro xilligan adag.

Inkastoo xiisadaasi cirka isku sii shareertay, haddana dowladda Jubaland ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay ilaashadaan nabadda iyo wadajirka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo geeddi-socodka dowlad dhisidda ee jilicsan.

HORSEED MEDIA