Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey wefdi ka socdey Tansaaniya

14 hours ago

Wefdiga Tansaaniya oo uu hoggaaminaayey wasiirka arrimaha dibadda Mahmoud Thabit Kombo ayaa heshiis la saxiixdey Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Wasiirka Arrimaha Dibidda Jamhuuriyadda Tanzania, Mudane Mahmoud Thabit Kombo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka ka guddoomay dhambaal iyo salaan uu ka siday, Madaxweynaha dalka Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, isaga oo wafdiga la wadaagay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan heshiisyadii dhowrka ahaa ee ay labada dal maanta ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Wefdiga tansaaniya ayaa Muqdisho soo gaarey maalintii Arbacada, waxaana ay Muqdisho ku saxiixeen heshiis iskaashi oo la xiriira fursadaha cusub ee dhaqaale iyo ganacsi ee labada dhinacba uga faa’iidaysan karaan, oo ay ka mid yihiin wax-soo-saarka beeraha, wax-soo-saarka warshadaha iyo adeegyada kala duwan ee ay ka mid yihiin duulimaadyada, caafimaadka iyo waxbarashada.

Wafdiga Tanzaaniya ee ka qeyb galaya wada hadalada ayaa waxaa ka mid ah Madax kala duwan oo Dowladda ka tirsan iyo Madax uu ka mid yahay Wasiirka Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Dalxiiska Mudane. Dr. Pindi Chana, wasiir ku xigeenka caafimaadka Hon. Dr. Godwin Mollel, Hogaamiyaasha Sare ee Difaaca iyo Hay’adaha Amniga iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika Ambassador Said Shaib Mussa.