Qaar kamid ah Xildhibaanada Federaalka oo canbaareeyey xayiraadda Kismaayo lagu soo rogay.

1 day ago

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay xayiraada duulimaadka ee Magaalada Kismaayo.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Xildhibaano gaaraya 80 oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku joojisay duulimaadyadii tagi jiray magaalada Kismaayo, waxayna ka digeen in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso shuruucda dalka iyo tan caalamiga ah.

Joojinta Duulimaadyada oo ay fulisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa timid kadib markii la sheegay in Diyaarada Halla Airline ay si sharci darro ah ugu leexisay duulimaadkeedi degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Kooxda baarlamaanka oo ay ku jiraan dhowr xildhibaan oo sarsare iyo mas’uuliyiin dalka xilal ka soo qabtey ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay ku eedeeyeen xukuumadda federaalka ah inay ku xad-gudubtay xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta ee xorriyadda dhaqdhaqaaqa. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo soo saartay amar ka hor imaanaya shuruucda dalka iyo tan caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo soo xiganaya qodobka 21-aad ee dastuurka KMG ah.

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku xusay xayiraado la mid ah kuwii hore, iyagoo xusay in horay Xildhibaanada looga hor istaagay inay u safraan Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo. Qoraalkooda ayaa si gaar ah uga digay waxa ay ugu yeereen “Siyaaseynta Ciidamada Qaranka iyo Hay’adaha bixiya adeegyada rayidka”.

Xayiraada ayaa sii xoojisay xurguftii u dhaxeysay dowladda federaalka ee Muqdisho iyo dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo magaalada Kismaayo ay hadda soo food saartay dhibaato isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, sababo la xiriira xayiraadda duulimaadyada.

Sidaan oo kale ayaa Kismaayo xayiraad loo saarey sanadkii 2019, iyada oo ay ka mid ahaayeen dadkii ka horyimid xayiradaas madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysalwasaarihiisa, iyada oo mamaulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu eedeeyey in uu shacabka cunno-qabateeyey.

Kooxda baarlamaanka ayaa ugu baaqday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo hay’adda Duulista Rayidka inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka dalka, isla markaana ay joojiyaan wax ay ku tilmaameen in aysan arrimo siyaasadeed u isticmaalin duullimaadyada gudaha iyo adeegga rayidka.