Maxay tahay sababta Aadan Madoobe u khilaafey Saaxiibadiisi kale?

Published: April 3, 2022

Guddoomiyaha Guddiga doorashoyinka dadban Muuse Geele Faroole ayaa maalintii labad qaybinaya shahaadooyinka Xidhibaanimo. Maalintii shalay (Sabti) waxaa qaatey 54 Xildhibaan oo labad Aqal isugu jira, maanta oo Axad ah gelinkii hore waxaa qaatey ilaa 20 Xildhibaan oo labada Aqal ka kooban welina waa socotaa.

Xildhibaanada maanta qaatey shahaadada waxaa kamid ah Sheekh Adan madoobe oo baarlamaanka ka soo galay Koonfur Galbeed, sanadkii 2009 – 2010 noqdey afhayeenii baarlamaankii Dowladdii kumeel-gaarka ahayd, iyada oo Xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo maamulkooduba diidan yihiin in loo doonto Shahaadooyin in qaabkaas lagu qaato iyada oo la beegsadey Afar Xildhibaan taas oo la aaminsan yahay in uu ka danbeeyo Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble , sidoo kaole waxaa Shahaadada qaatey Shariif maxamed Cabdalla oo isagana barlaamnka uga yimid dhanka Koonufr Galbeed.

Aadan Madoobe iyo Shariif Cabdalla oo keliya ayaa ilaa hadda qaatey, waxaana labadooduba u sharaxan yihiin kursiga Afhayeenka baarlamaanka, sida la fahamsan yahay waxay codad arintan kaga rabaan Xildhibanada ka soo kala jeeda deegaanada Puntland, Jubaland iyo weliba kuwa kale oo ka soo jeeda Galmudug iyo Hirshabelle.

Aadan Madoobe ayaa muujiyey sida uu uga soo horjeedo go’aanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna ku booriyey Xildhibaanada kale ee saaxabidiisa laga soo doorto Koonfur Galbeed in ay shahaadada soo doontaan, mar uu la hadley saxaafadda.

Waxaa lagu wadaa ilaa maalinta berri ah in Xildhibaanada Puntland iyo Jubaland badankod ay qaataan taas oo tirada guud gaarsiin karta in ka badan 130 Xildhibaan oo labada Aqal ah ee ka kooban 329 Xildhibaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *