Aaska Qaran ee Madaxweynihii Iran iyo mas’uuliyiintii ku dhintay shilkii diyaarada

Published: May 22, 2024

Hogaamiyaha ugu sareeya ee Iran ayaa ka qeyb galay aas Qaran oo maanta oo Arbaca ah loo sameeyay Madaxweynihii Iran, wasiirkii arrimaha dibadda iyo dad kale oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Aaskan Qaran oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Tehran, ayey kasoo qeyb galeen kumanaan kun oo shacab ah, waxaana ka soo qayb galay madaxda ugu saraysa dowlada iyo ciidamada ilaalada kacaanka Iran.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Ismaaciil Haniyeh oo ah hogaamiyaha siyaasadda Xamaas.

Waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo wafdi ka socda Talibanka Afghanistan, oo uu ku jiro wasiirkooda arrimaha dibadda Amir Khan Mutaqqi.

Iran ayaa ku dhawaaqday shan maalmood oo baroor diiq ah kadib shilkii diyaaradeed ee Axadii. Bisha soo socota ee June 28-keeda ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada lagu soo dooran doono Madaxweynaha cusub.

Horseed Media