Aaska Qaran: Raysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallayr – VIDEO

Published: October 10, 2020

Alle ha u naxariistee raysal wasaarihii hore ee dowladii kumeel-gaar ahayd ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif Gallayr ayaa maanta aas-qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday maydka marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa naxashka marxuumka waxa la huwiyey calanka jamhuuriyadda Soomaaliya kadibna waxa soo dejiyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Aaska Cali Khaliif ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, raysal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed, wasiiro, xildhibaano, ehelada marxuumka, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayey masuuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida sheegeen baaris kadib in Cali u geeriyooday cudurka halista ah ee Coronavirus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *