Abdul Latif Rashid oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Ciraaq

Published: October 14, 2022
Shares2

Baarlamaanka Ciraaq ayaa Wasiirkii hore Abdul Latif Rashid u doortay inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalkaas.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa gaaraya 329 xubnood, halka Latif oo 78 jir ah ayaa helay 162 cod oo kamid 261 cod.

Sharciga Ciraaq ayaa u ogolaanaya Latif 15 maalmood inuu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaare dalkaas.

2003-dii ilaa 2010-kii waxa uu madaxweynaha cudu ahaa Wasiirka Kheyraadka Biyaha, tan iyo xilligaasna waxa uu ahaa la-taliyaha Madaxweynaha.

Madaxweynaha xilka ka degaya Barham Saalix ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga baxay xarunta baarlamaanka kadib markii la tiriyay codadka, isaga oo ku daraystay inuu helo codad ka badan 99 cod.