Abiy Ahmed: Ma Dooneyno in aan dagaal la galno Soomaaliya

Published: February 7, 2024

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan dooneyn wax dagaal ah oo dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya, xili ay taagan tahay xiisada ka dhalatay damaca Itoobiya ee ku aadan la wareegida dhulka saaran xeebta Badda Cas ee maamulka Somaliland.

Abiy ayaa sheegay inay doonayaan inay nabad kula noolaadaan dalalka deriska la ah, isagoo aan soo hadal qaadin heshiiskii qarsoodiga ahaa ee uu la galay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, kaasi oo aan weli si rasmi ah loo shaacin qoraalkiisa.

“Kumanaan askar Itoobiyaaan ah ayaa ku dhintay gudaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga wadanka Soomaaliya, waxayna u dhimanayaan amniga Soomaaliya, maadaama Amniga Soomaaliya uu yahay Amniga Itoobiya. Horumarka Soomaaliya waa Horumarka Itoobiya, waxaanu nahay walaalo.” ayuu yiri Abiy Ahmed oo la hadlayey Baarlamaankiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa habeen hore sheegay in dhankooda aysan wax wadahadal ah la geli doonin Itoobiya illaa ay ka noqoneyso khaladka ay gashay iyo damaceeda ku aadan dhulka iyo badda Soomaaliya.

Abiy Ahmed, wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday xiisada ka taagan wabiga Nile ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Masar, isagoo sheegay inay mar walba diyaar u yihiin in biyaha wabigaasi ay la qeybsadaan dalalka kale, balse dhankoodana ay tahay in loo ogolaado waxay doonayaan, waa siduu hadalka u dhigayee.

Horseed Media