Addis Ababa: Qarax bambnaano oo ay ku dhinteen 3 qof

Published: December 21, 2020

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhintay qarax bambaano oo Axadii gelinkii danbe ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Itoobiya.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa bambaano wadada la dhigay, waxaana la sheegay in dadka ku dhaawacmay ay u badnaayeen kuwa darbi-jiifka ah sida uu sheegay afhayeenka booliiska.

Booliiska ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaan ku aadan qaraxii shalay ka dhacay xaafada Lideta.

Ma jirin cid sheegatay falkan balse marar hore ayaa bambaanooyin sidan oo kale loo dhigay qaar kamid ah wadooyinka magaalada Addis Ababa.

Xukuumada Itoobiya ayaa horey ugu eedeysay kooxda TPLF inay ka danbeeyeen weeraradii hore ee ka dhacay Addis Ababa, walow aysan dowladu soo bandhigin wax cadeyn ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *