Addis-Ababa: Shirka Madaxweyne Siciid Deni & Kooxda AARAN-JAAN!

Published: July 12, 2022

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale isku dayaya in uu dib u soo celiyo saaxiibadiisi siyaasadeed ee kooxda loogu yeero AARANJAAN ee doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka mugdigu kala dhex-galay, waxaana wararku sheegayaan in Madaxweyne Deni raali-gelin siiyey saaxibadiis AARANJAAN.

Madaxweyne Deni iyo Wasiirkiisi Maaliyadda Xassan Shire Abgaal ayaa hadda kuwada sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ku yeesheen shir, sidoo kale waxaa shirka fogaan arag uga qaybgalay Maxamuud Shiddo oo ahaa raggii wax ka dhisey Siciid Cabdullaahi doorashadii 2019 waxaana uu isku tilmaami jirey in uu yahay “Saamileey” , waxaase muddooyinkii danbe mugdi soo kala dhex-galay isaga iyo Madaxweyne Deni sidoo kale waxaa dhacay is-tuhun in aan si daacad ah loo wada shaqeyneyn doorashadii Madaxweynaha federaalka ee Muqdisho, oo AARANJAAN ay mowjad kale ka heesayeen.

MAXAY TAHAY SABABTA DENI DIB UGU BAAHDEY AARANJAAN

Waxaa la is weydiinayaa iyada oo doorashadii Puntland albaabka taagan tahay, lana og yahay xubnaha ugu waaweyn AARANJAAN in ay yihiin musharaxiin 2024, waxa Siciid Deni hadda ugu baahdey?

Muhimadda Shirka Addis Ababa ayaa ah in AARANJAAN iyo Siciid Deni ay dib u wada shaqeeyaan isla markaana ay wada raacaan hal doon.

Dadka sida weyn u yaqaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si weyn u yaqaan halka dantiisu gasho in uu u debecsan yahay isla markaana waddo kasta u maro.

AARANJAAN waxay gacanta ku hayeen Baaralamaanka gaar ahaan shir-guddoonka, waxaana ay ka ilaalin jireen in ay ka horyimaadaan danahooda iyo tan Madaxweynaha, AARANJAAN ayaa hadda la aaminsan yahay in ay Golaha Wakiilada ku soo fasaxeen Madaxweynaha, waxaana Madaxweyne Deni u cadaatey in aan talo gacanta ugu jirin, arrintaasi waxay Madaxweyne Deni ka dhigtey mid uu nugul yahay oo uu baahi mar kale u qabo AARANJAAN.

Sababta ugu weyn ee Madaxweyne Deni ugu dheggan yahay in la meel-mariyo Axmed Taaran Guddoomiyaha uu u magacaabey maxkamadda sare ee baarlamaanku diidey ayaa ah in uu soo saaro qoraal uu sharci darro ku tilmaamayo go’aankii sanadkii hore Golaha wakiiladu gaareen ee ay xasaanadda kor ugu qaadeen kana dhigeen 2/3 oo ah 44 Xildhibaan in xasaanadda looga qaadi karo, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in uu doonaayo in uu Guddoomiye Axmed Taaran ka dhigto hub uu u isticmaalo wax ka beddelka doorashada Puntland ee lifaaqa ee horey loogu doortey 4 Madaxweyne oo uu ku jiro isagu.

AARANJAAN ayaa hadda doonaya in Madaxweyne Deni ka tanaasulo Axmed Taaran iyo garsoorayaasha kale, si isaga iyo Baarlamaanku isu fahmaan.

Si kastaba waxaa lagu wadaa 48 saacadood ee soo aadan in Madaxweyne Deni dib ugu soo laabto magaalada Garoowe, iyada oo xaaladda Puntland ay noqotey mid aad u cakiran, kadib doorashadii Madaxweynaha ee uu ku soo guul-daraystey, Abaaro aad u ba’an iyo dhaqaale xumo ku habsatey dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Baarlamaanka waxaa karaamadaro u ah inay aqbalaan dadkii ay hore u diideen oo ay arkeen inaan lagu aamini karin garsoorka ummadda. Balse Dani ummadda Puntland miyuu ka waayay cid uu ku bedelo Axmed Taaran. Dani ha raadsho cid ku haboon Guddoomiyaha maxkamadda sare. Not Taaran IWM