Afar qof oo ku dhaawacmay bam gacmeed lagu tuuray maxkadda magaalada Bosaso

Published: March 4, 2017

Inta la ogyahay 4 qof oo mid ka mid ah uu shaqaale ka ahaa maxkamadda ayaa ku dhaaway kadib qarax ka dhacay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari xarunteeda magalaada Bosaso.

Seddexda qof ee kale oo ku dhaacmay qaraxa ayaa ahaa dad shacab ah.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa bom gacmeed lagu weeraray maxkamadda, xili maxkamadda ay ka socotaya kiiska dhegeysiga dacwad madani ah.

Goob jooge ku sugnaa mehrad ganacsi oo aan sidaa uga fogeyn maxkadda ayaa u sheegay warbaahinta in maxkadda lagu tuuray ilaa seddex bom gacmeed.

Ciidanka ammaan ee ku sugnaa maxkamadda ayaa qaraxa kadib riday rasaas xoogan, taasi oo cabsi iyo wel-wel ku abuurtay shacabkii ka akdhawaa maxkamadda.

Ilaa iyo hadda lama oga cida sida rasmiga ah uga dambeysay werarka lagu qaaday maxkamadda, balse weraro noocaan oo kale ah iyo dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland ayaa waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen maleeshiyada Shabaab.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *