Afar Qof oo Ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Published: June 18, 2020

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qarax maanta ka dhacay meel u dhow madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee ku dhow dugsiga sare ee Banaadir ee degmada Hodan.

Qaraxan oo ka dashay miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo shacab ah, waxaana ka mid ah dadka dhintay Hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay.

Hooyada iyo cunuga ku dhintay qaraxa ayaa saarnaa mooto bajaaj uu qaraxa miinadu qabsaday. Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmays saddex qof oo kale oo shacab ah oo wadada dhinaceeda marayay

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeeyeen qarax miino ee ay ku dhinteen afarta qof.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *