Afghanistan: 4 Qof oo Ku Dhintay Qarax lalal beegsaday Masaajid

Published: June 12, 2020

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay qarax Salaadii Jimcihii maanta lala beegsaday Masaajid ku yaal caasimadda Afganistan ee Kabul sida ay xaqiijiyeen saraakiisha wadankaasi

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Tariq Aryan ayaa sheegay in Qaraxu uu ka dhacay Masjid ku yaal posh Karta-4 ee caaasimadda, afhayeenku wuxuu xaqiijiyay in afar qof oo uu ku jiro imaamkii masjidku ay ku dhinteen qaraxaasi

Qaraxan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee ka dhaca Magaalada Kabul bishan, Ilaa hadda ma jiro koox sheegatay inay ka dambeeyeen weerarka qaraxa ee lagu qaaday Masjidka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *