Afhayeenka ONNLF “Shacabka waxaa kiciyey hadalkii PM Abiye Axmed ee ahaa in DDSI Shidaalka ku yeelanayso 5%”.

Published: August 4, 2018

Magaaladda Jigjiga ee Xarunta DDSI waxaa saaka lagu waberiistay Ciidanka Milateriga Dowladda Faderalka Ethopia oo lasheegay in aroornimadii horeba lagu arkay goobaha muhiimka ah ee magaaladda,waxaana taas ka dhashay isu soo baxyo rabshado wata oo ay hormuud u yihiin dhalinyarado.

Cabdiqaadir Ciilmooge Cadaani afhayeen ONLF oo la hadlay idaacadda BBC laanteeda afka soomaaliga ayaa sheegay in kacdoonkaani kayimid hadlkii Raisalwasaaraha dalka Ethopia Abiye Axmed ee ahaa in shidaalka lasoo saarayo DDSI ku yeelanayo 5%.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in madaama shidaalka laga helay degaanka Soomaaliya Ethopia ay ahayd in si cilmiyeysan loo mareeyo,iyadoo hanaan sax ah loo maryo qaybsiga khayraadka dabiiciga.

” Dadka soomaalida iyadoo aanay jirin heshiis sax ah oo dhax yaal ,hadana ay jirto in shidaalka aan loo marin hab sax ah ayaa dowladu waxan iska dhoodhoobatay,taas ayaa keentahay kacdoonka,waxaa jirta in degaanka soomaalidu dib u dhacay oo dowladu ay ummadda ka reebtay bulshooyinkan,arintaanina waxay u bahantahay in sido run ah loo maro oo la helo heshiis sax ah”.

Dhanka kalana waxaa socda dadaalo ay wadaan saladiinta dhaqanka DDSI ,garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool wiilwaal oo bulshada la hadlay waxaa uu uGu baaqay in dadweynuhu isdajiyo oo la ilaaliyo nabadgelyadda iyo dhowrista hantida ummada inta laga saxayo dhibtaan.

Magaaladda waxaa kusugan ciidanka Dowladda Faderalka Ethopia oo lawareegay goobaha ay kamidka yihiin Madaxtooyadda,Airportka iyo meelo kale oo muhiim ah,waxaana wararku sheegayaan in ay taas barbar socoto ciidanka loo yaqaan Leyuu Police ka inay kazoo qulqulayaan Gudaha Magaaladda Jigjiga.

Horseed Media.net.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *