Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad oo ka hadlay dilka Taliyihii NISA ee Gobalka Gedo

Published: December 9, 2022
Shares28

Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa twitter-ka waxa uu uga hadlay dilka taliyihii NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke).

Mahad Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka dhintay Marxuum Bakaal Kooke.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa faray qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku soo sameeyaan kiiskaan.

Hawlgal ay Al-Shabaab ku sheegtay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa lagu dilay taliyaha, iyadoo ay kooxda A-shabaab sheegatay masuuliyadda weerarka.

Horseed Media