AHUN Marxuum Gen. Cabdicasiis Siciid oo Aas loogu sameeyay Garoowe

Published: August 14, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay AHUN Xildhibaan hore Gen. Cabdicasiis Siciid Maxamuud.

Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada PL Cabdirashid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada, Ehelka marxuumka, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa markale uga tacsiyadeyey bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida AHUN Gen Cabdicasiis Siciid Maxamuud, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu ugu tacsiyeeyay ehelkii, qoyskii iyo caruurtiisii oo uu kula kulmay Aaska.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada PL ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyadeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Alle ha u naxariisto Gen Cabdicasiis Siciid Maxamuud wuxuu xilal kasoo qabtay xukuumadihii soo maray Puntland, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland isagoo soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska PL, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Xildhibaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *