AKHRISO: Bayaanka Nabadoonadda Iyo Waxgaradka Mudug Oo Madaxweyne Deni Ugu Baaqay Inuu Iscasilo

Published: April 18, 2022

Nabaddoonada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kale duwan ee bulshada gobolka Mudug, oo bayaan soo saaray ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu kursiga baneeyo maadaama uu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:

BAYAAN AY SI WADA JIR AH USOO SAAREEN NABADDOONADA, WAX GARADKA IYO SIYAASIYIINTA GOBOLKA MUDUG PUNTLAND

Anagoo ah Nabaddoonada, Wax-garadka, Siyasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada ee ku nool Gobolka Mudug – Puntland ayaa shir isugu nimid intii udhexaysay 15-17/04/2022, waxaanuna ku gorfaynay xaaladda kala guurka siyaasadeed ee uu dalku marayo gaar ahaanna Dowladda Puntland.

Waxaan qiimayn dhab ah ku samaynay muddaddii uu xilka joogay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana is dul taagnay culaysyada siyaasadeed, bulsho, dhaqan, dhaqaale iyo amni ee ay maanta la daalaadhacayso Puntland.

Waxaana odorosnay haddii aan la dabo qaban xaaladda kasii daraysa eedowlad ahaanshihii Puntland in ammaankii iyo is oggolaanshihii shacabka reerPuntland meel dheer laga dooni doono.

Waxaa indheer garadka u muuqday dhacdooyinkii aan fiicnayn ee ka suurta galay madaxweynaha saddexdii sano ee lasoo dhaafay PL taladeeda la daalaa dhacayey. Haddii aan dhacdooyinkaas inyar ka xusno waxaa kamid ahaa:

1- Weerarkii qaawanaa ee xabadda loo adeegsaday ee dhimashada iyo dhaawaca keenay ee uu ku qaaday Guddoonkii Baarlamaanka Puntland.

2- Xil ka xayuubintii sharcidarrada ahayd ee uu ku sameeyay 8 Mudane oo fikirkooda si nabad ah u cabiray, kuwaas oo uu u gacan dhaafay beelihiisoo doortay xoog iyo xabbadna u adeegsaday saariddoodii.

3- Wuxuu hubkii cuslaa ee loo diyaarsaday difaaca PL ku gubey hooyadii ay Soomaali u baxsatay waqtigii adkaa iminkana ah caasimadda ganacsiga PL ee Bosaso, asagoo aan naf iyo maal midna u turin, 31 sano kaddib naka riday barakac baahsan dhulkii Soomaali kaga badbaadday dagaaladiisokeeye ee 1991.

4- Wuxuu maleegay hab doorashadii abid ugu foolxulmayd ee Soomaaliya ka dhacda taasoo uu sheegto kuna faano inuu isagu soo falkiyay kuna maamulay Puntland. Hab doorashadaas waxaa ka dhashay burbur bulsho oo nooc walba leh sida isku dirka, is dhabarjebinta, iibsiga iyo bahdilka dadkii bulshadu xurmayn jirtay, waana mid horseedday habacsanaan maamul oo mar horaba laga arkay qaabkii Puntland u dhisnayd.

5- La dagaallanka Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu saldhig u ahaa dhismihii Puntland geed fadhina u ahaa xallinta umuuraha cakirma ee ka dhaca Puntland kuwaas oo xalkoodu adkaado.

6-Haybaddii Puntland iyo maqaamkeedii oo uu Madaxweynuhu hoos udhigay. Puntland waxay horseed iyo tusaale u ahayd maamul wanaagga iyo dhismaha dowladnimada ku qotonta dimoqraaddiyadda, talowadaagga, kala aragti duwanaanta siyaasadeed, xorriyadda warbaahinta iyo is ixtiraamka.

7- Wuxuu gayaysiiyay Puntland in doorashadii lagu qabto xero millateritaasoo sawir ka bixinaysa inay Punltand tahay meel aan amni ahayn laiskuna hallayn karin nabad-gelyadeeduna hoosayso. Waxaa ayaan darrowayn ahayd xeradii Puntland lagu aasaasay 1998 inuu 23 sano kaddib uudadka xuquuqdiina ku duudsiyo, horseedna u noqday hab jabhadnimoah oo qorigu talinayo

8- wuxuu talada la wareegay iyadoo bulshadu wax ku iibsato shilinkaSoomaaliga ah, maantana dabaqada sare un baa nool.

9- Wuxuu si masuuliyad la’aan ah ugu takrifalay dakhligii yaraa ee dalkaasagoo malaayiin dollar ku gubaya doorashadiisa xilli ay dadkii maatadaahaa iyo xoolohoodiiba daryeel la’aan ay nolosha la ciirsanyihiin.

Baaq ku socda bulsho waynta Puntland

1- Waxaan ugu baaqaynaa bulsho waynta ku dhaqan Puntland inay aayahooda ka tashadaan lagana wada hadlo sidii Puntland loo dabaqaban lahaa

2- Sida dastuurkuba qabo, inuu Madaxweynuhu si aan daahitaan iyo meermeerin toona lahayn xilka ugu wareejiyo Madaxeyne ku xigeenkamaadaama uu ka mashquulay xilkii loo igmaday.

3- In Golaha wakiillada Puntland oo ah Hay’adda ugu sarraysa ay qaataan kaalintooda oo dhowraan sharuucda dalka u taal aysanna oggolaan in Puntland rahmad uu u qaato hal shakhsi taas oo uu ku gaarayo danihiisa khaaska ah.

4- In Golaha wakiiladu kula xisaabtamaan Madaxweynaha ku tagrifalka dhaqaalaha Puntland.

5- Isimadu maadaama ay yihiin marjicii Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay soo farogeliyaan xalna u raadiyaan samatabixinta Puntland haddii Madaxweynuhu xilka wareejin waayo, si looga fogaado kacdoon bulsho, is barbaryaac iyo fowdo ku timaadda nimaadkii soo shaqaynayay 23kasano.

DHAMMAAD

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment