Al-Shabaab oo dad xoolo dhaqato ah ka afduubtay gobolka Mudug

Published: March 26, 2022

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa deegaanka Baraag Ciise ee gobolka Mudug (Galmudug) saaka ka afduubtay 7-ruux iyo ku dhawaad sedax kadin oo Geel ah.

Guddoomiyaha deegaanka Bajeela, Maxamed shuuke Abshir, ayaa xaqiijiyay in aroornimadii  hore ee Saaka ay maleeshiyaadka Al-shabaab afduubteen shacab xoolo dhaqato ah iyo xoolahii ay wateen.

Dadka deegaanka ayaa marar badan isku dayay in ay ka horyimaadaan in laga qaado xoolo maleeshiyada si baad ah dadka uga qaadi jireen, taas oo sababtay isku dhacyo dhexmara argagixisada iyo dadka deegaanka oo is abaabulay.

Bilihii lasoo dhaafay agagixisada Al-Shabaab ayaa weeraro dhuumaalaysi  ah  ugu geeysanayay dadka reer miyiga ah qeybo ka mid ah deegaanada Koonfurta gobolka Mudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *