Al-Shabaab oo dib u qabsadey Bacaadweyn iyo Camaara

Published: March 12, 2024

Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa dib u galay magaalada Bacaadweyn oo ku dhaw magaalada xeebta ah ee Hobyo ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa bishii September ee sanadkii hore 2023 qabsadey magaalada Bacaadweyn, kadib markii al-Shabaab ay isaga firxadeen gulufkii lagu qaadey.

Maalintii shalay waxaa soo baxay war seegaya in ciidanka Dowladda ee ku sugnaa Bacaadweyn iyo Camaara ay isaga baxeen halkaas.

Fiidnmadii habeenkii xalay ee Isniinta ayaa lagu arkey malayshiyaadka al-Shabaab magaalada Bacaadweyn waxaana ay halkaas dib uga taageen calanka Madow ee ay caanka ku yihiin.

Magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ayaa ka mid ah goobo marar badan gacmaha dowladda iyo al-Shabaab ku kala wareegay tan iyo sanadkii 2017.

Muddooyinkii danbe waxaa dib u dhac weyn ku yimid dagaalka dalka looga saaraayey al-Shabaab.

Horseed Media