Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fuliyey maxbuus Uganda u dhashey

Published: January 17, 2017

Ururka al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyey askeri u dahshey dalka Uganda oo ay maxbuus ahaan u qabsadeen sanadkii 2015.

Askeriga maxbuuska ah ayaa lagu magacaabaa Masassa M.Y ayaa ka tirsanaa ciidanka AMISOM ee ku sugnaa degmada Janaale, kadib marki weerar kedis ah ay al-Shabaab ku qaadeen sanadkii 2015 ayuu gacanta u galay.

Cajil muuqaal ah oo al-Shabaab soo saareen ayaa askerigan uga hadlayaa xaaladiisa iyo fariimo kala duwan oo uu direy, kadibna waxaa lagu toogtey isla goobtii uu fadhiyey iyada oo madaxa laga toogtey.

Xiliga ay al-Shabaab tooganayeen ayey u soo xireen dharkiisi ciidanka oo ay ka muuqato calaamadda ciidanka Uganda ee UPDF.

Dhawaan ayey ahayd markii al-Shabaab uu gacantooda galay askeri kale oo ay sheegteen in ay ku qabteen hawlgal gaar ah. ciidanka AMISOM ayaa sheegay in mid kamid ah ciidankoodu uu ka dhumey xeradiisi.

Sharciyadda caalamiga ah ayaa dhigaya in aan maxabiista dagaalka dil lagu fulin karin oo ay lee yihiin xuquuq gaar ah, inkasta oo al-Shabaab aysan aqoonsaneyn mid kamid ah shruuucda caalamiga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *