Kooxda Al-shabaab oo qarxiyey ceelal & xarumo isgaarsiineed oo ku yaalla Galmudug

Published: September 1, 2022
Shares6

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa qarxiyey matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiinta deegaanadaasi.

Sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareediyo ku sugan deegaanka ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ay Al-shabab ku qaadeen magaalooyinkaasi.

17-kii bishii June ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Baxdo, waxana iska difcaanay dadka degaanka oo hubka qaatay, iyada oo ay sheegeen masuuliyiinta Galmudug in Al-Shabaab looga dilay weerarkaas ku dhawaad 100 Xubnood.

Wixii markaas ka dambeeyay dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegeen in ay la kulmayeen hanjabaadyo iyo cunaqabateyn uga imaaneysay dhinaca Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaannada qaarkood ay ka jareen isgaarsiinta.

Al-shabaab ayaa ceelal ku yeela deegaanno hoos yimaada Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ku dugeen halka ay gubeyn guryaha ay degnaayeyn dadka oo u badan Beeraley.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *