Al-Shabaab oo weerar ku qaadday magaalada Masagawaay ee Gobalka Galgaduud

Published: May 30, 2023
Shares2

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hortagay weerar ay saaka Alshabaab ku soo qaadenn fariisimo ay cidamada Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Masagawaay ee Gobalka Galgaduud.

Cidamada ayaa sheegay in weerarkan ay ka sii warqabeen inta uusan dhicin, taas oo sababtay in ay ka hortagaan.

Dowalada Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in saaka ay halkaasi ku dileen tiro dhowr ah oo kamid ah ragii weerarka soo qaaday.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in ay qabsatay Saldhig Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin Magaalada Masagawaay.

Horseed Media