Al-Shabaab oo weeraray saldhig ay deganaayeen ciidamada Kenya

Published: August 5, 2022
Shares2.4k
Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidamada Kenya

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Kenya ee howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Weerarka oo isku bedelay dagaal toos ah ayaa ka dhacay saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka Kulbiyow waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidamadii Kenya ee horey u joogay halkaas, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Kenya weerarka lagu qaaday Saldhigooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *