Al Shabab oo sheegatay weerarkii Xalane / Muqdisho Airport

Published: March 23, 2022

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in labo nin oo bistoolado ku hubeysan ay weerarkan geysteen, kuwaasi oo ay ciidamada ugu danbeyn ku dileen iska horimaad ka dhacay xayndaabka Madaarka Muqdisho.

Raggan oo la sheegay inay isku soo dhex qariyeen shaqaalaha usoo shaqo taga xerada Xalane ayaa ku guuleystay inay kasoo galaan Marina Gate iyagoo toogtay qaar kamid ah askarta goobtaasi ku sugnaa isla markaana dab suray dukaano goobtaasi ku yaal.

Muddo saacado ah ayey qaadatay in hawlgalka ciidamada kusoo afjaraan iyadoo uu hakad ku yimid shaqadii airportka Muqdisho.

Weerarkan ayey sheegatay kooxda Al Shabaab oo weerarkan kusoo beegtay xili Soomaaliya ay ku jirto doorasho iyo waliba isbedalka lagu sameenayo hawlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Maalmo kahor ayey Taliska AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya SNA shirkoodii qorshaha hawlgalka amniga ku qabteen magaalada Muqdisho, waxana kamid ahaa qodobadii diirada ku saarayeen wiiqida awooda kooxda Al Shabaab oo maanta markale khal khal gelisay amniga caasimada Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *