Aljazeera: Barnaamijka Qaabka Israel u dhexgasho Siyaasiyiinta EUROPE – VIDEO

Published: January 15, 2017

Telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera qeybtiisa Ingiriiska ayaa soo bandhigay qeybtii ugu danbeysay ee barnaamij dheer oo lagu falanqeeyey qaabka Israel ay ku saameyso siyaasada dalalka reer Galbeedka.

Waxaana barnaamijka si gaar ah diirada loogu saaray ololaha Israel ugu jirto inay ku xoojiso xiriirka iyo galgalka ay ku leedahay dalalka Yurub gaar ahaan wadanka UK oo ay sanadihii lasoo dhaafay ka wadeen olole qarsoon oo ay kula dagaalamayaan siyaasiyiinta Ingiriiska ah ee iyagu taageersan xoriyada wadanka Falastiin iyo xaquuqda shacabka reer Falastiin.

Barnaamijkan oo uu telefishinka diyaarinayey muddo bilo ah ayaa waxaa si qarsoodi ah looga duubay qaar kamid ah Saraakiisha ka shaqeysa safaarada Israel ku leedahay magaalada London, isla markaana saraakiisha Israel u qaabilsan dhexgalka siyaasiyiinta iyo Xisbiyada reer UK iyo qaabka ay daacayada ugu furan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale oo ay u arkaan inay taageersan yihiin Falastiiniyiinta.

Israel ayaa kooxo sirdoon ah u sameysay inay dhinaca siyaasada kala dagaalamaan dhaq dhaqaaqa xoogaleh ee ka socda wadamo badan oo reer Galbeedka ah oo ay wadaan dadka taageersan Falastiin, kuwaasi oo olole ugu jira inay Israel ay go`adoon siyaasadeed iyo mid dhaqaale geliyaan si ay loo helo xaquuqda shacabka Falastiin. Dhaq dhaqaaqan oo sanadihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanaya Europe iyo Maraykanka ayey Israel dagaal xoogleh ugu jirtaa inay ka hortagto.

Hoos ka daawo qeb kamid ah Barnaamijkan:


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *