Amarro laga soo saaray Nabadgelyada iyo Horumarinta magaalada Bosaso

Published: February 10, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Shir-guddomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari.

Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Guddiga Amniga Gobolka Bari iyo xunbo ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay Adkeynta Nabadgelyada, Horumarinta magaalada iyo garab istaaga mashaariicda horumarin iyo Nashqadeynta magaalada. 

Kulanku markuu dhammaaday waxaa kasoo baxay qodobada kala ah:

1. Adkaynta Nabadgalyada guud ahaan Gobolka bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

2.  Ka hortaga falalka Argagixisada iyo La dagaalanka Maandooriyaha.

3. In dhammaan la baneeyo guryaha iyo dhulka banaan ee Dowladda.

4. In la sameeyo naqshadaynta magaalada Boosaaso  (Master Plan) oo la baneeyo dhammaan jidadka xiran ee nashqadu tilmaamayso.

5.  In dhulka banaanka laga jaro dhulka danta guud ee 30% ka ah, ayada oo la tixraacayo Xeerka maareeynta dhulka magaalooyinka ee Dowladda Puntland.

6. In dhammaan guryaha Magaalada Boosaaso, Biilasha Biyaha iyo Korontada lagu daro $1 dollar oo lagu horumarinayo magaalada Boosaaso laga bilaabo 1 Bisha March 2023. 

7. In la sameeyo Guddiga horumarinta magaalada Boosaaso.

8. In dhammaan baalayaasha korontada laga qaado meelaha aan munaasibka ku ahayn sida jidadka.

9. In Bulshadu ka qeyb qaadato mashaariicda horumarineed ee ka socota magaalada Boosaaso, Iyadoo cidii ka hortimaadana Sharciga la horkeeni doono. 

Horseed Media