Amnesty International: ”Cabdirashiid Janan hadda waxa uu ku jiraa gacanta Dowlada waa in…

Published: March 24, 2021

Hay’adda Caalamiga ah ee u doodda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa war kasoo saartay heshiiskii dhexmaray wasiirkii hore ee Amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee keenay in uu isku soo dhiibo dowladda.


Qoraal ay soo saartay Hay’adda Amnesty ayaa waxa ay ku sheegtay in Cabdirashiid Janan uu ku jiro gacanta dowladda ayna muhiim tahay in dowladda ay xaqiijiso cadaaladda iyo la xisaabtanka dhamaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee lagu eedeyay inuu ka geystay gobolka Gedo.

“Cabdirashiid Janan hadda waxa uu ku jiraa gacanta Dowlada Federaalka masuuliyiinta Dowladu waa inay xaqiijiyaan cadaaladda iyo la xisaabtanka dhamaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee lagu eedeyay inuu ka geystay gobolka Gedo”

Sidoo kale Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in cadaalad ay u baahan yihiin dhibanayaashii iyo Qoysaskii ay saameysay tacadiyada lagu eedeyay in uu horey u geystay Cabdirashiid Janan.

Amnesty International ayaa sanadkii 2019-kii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka dalbatay in ay Maxkamadayso Cabdirashiid Janan oo dowladda ay xabsiga dhigtay xiligaas oo uu qorsheynayay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aaden Cadde.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *