Amnesty oo ciidamada Tigreyga Itoobiya ku eedaysay kufsi wadareed

Published: February 16, 2022

Dagaalyahannada Tigreega ayaa si ula kac ah u dilay dad rayid ah oo ay kufsi wadareed u geysteen, tobanaan haween ah iyo gabdho aan qaan-gaar ahayn laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada ee Itoobiya sannadkii hore, Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay shaacisay maanta oo Arbaca ah.

Amnesty International ayaa wareysatay 30 qof oo ka badbaaday kufsi, qaar ay da’doodu ka yar tahay 14 sano iyo dhibanayaal kale oo ka waramay xasuuqii ka dhacay deegaanada Chenna iyo Kobo bilihii Ogosto iyo Sebtembar ka dib markii fallaagada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay la wareegeen magaalooyinkaas.

Falal noocaan oo kale ah ayaa horey loogu eedeeyey ciidamada Federaalka Itoobiya inay iyaguna ka geysteen deegaanka Tigreyga intii ay socdeen dagaaladan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *