Aqalka sare oo magacaabay senetaro loo dirayo maamul goboleedyada

Published: September 15, 2018

Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa waxa u ku magacaabay gudi xildhibaano ah kuwaasoo maalmaha soo socda booqasho ku tagaya deegaanada maamul goboleedyada.

Gudiga la magacaaabay oo ka kooban min 10 xubnood ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan xalinta khilaafka xiligan u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo haatan ah mid aan wanaagsanayn.

Waxaa sidoo kale gudiga ay kuur gali doonaan xaalada siyaasadeed,amni,nololeed,bulsho ee xiligan ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaanada maamul goboleedyada sida lagu sheegay qoraalka waxaana intaa la raaciyay in ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa dowlad goboleedyada dalka.

Xubnaha gudiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay gudoomiye Xaashi ayaa waxaa kamid ah Ra’iisul wasaarahii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid,madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale, madaxweynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo masuuliyiin kale oo haatanna kamid ah senetarada aqalka sare ee Soomaaliya.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *